Madaxweyne Geelle oo ka hadlay Isbedellada Geeska Africa

Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay BBC-da, qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay ka bixitaanka AMISOM, hehiiska DP World ee Dooraalle iyo Isbedalada Itoobiya.

Geelle wuxuu taageero wayn uu umuujiyay dowladda Soomaaliya ee hada jirta, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid guud ahaan dib usoo celisay astaamihii dowladnimadda, isagoo rajo weyn ka muujiyay in dib loo arko Soomaaliya oo cagaheeda isku taagtay.

Isagoo ka hadlayay bixitaanka AMISOM, ayuu Geelle cadeeyay in Jabuuti ay horey uu u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in loo dhiso ciidamo qaran oo iyaga dalkooda ilaashadda, wuxuuna tilmaamay in qorshahaas uu hada meel fiican marayo.

"Laakiin, waxaan u sheegayaa dalalka taageera AMISOM ee mar walba oranaya lacagtaan jaraneynaa, haday doonan hajartaan, in yar un-suga wax yar unbaa harayee," ayuu Geelle ku daray hadalkiisa.

Jabuuti ayaa ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanado kahor, iyadoo ka qeyb-qaadanaysa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasi oo mudo 10 sano ah joogay dalka ku yaalla Geeska Africa, ee colaadda la dagtay mudada ka badan 25-ka sano.

- Isbedelka Itoobiya -  

Mar wax laga weydiiyay isbedalada ka dhacaya gobolka Geeska Afrika, gaara ahaan Itoobiya, Madaxweyne Geelle ayaa soo dhaweeyay qorshooyinka Abiy Axmed, isagoo rajo ka muujiyay inuu dhex-maro xiriir wanaagsan iyo wadashaqayn heer sare ah.

Abiy Axmed ayaa booqashadiisii ugu horeeysay meel ka baxsan dalkiisa ku tagey Jabuuti wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay 2-dii April ee sanadkan, isagoo heshiis maalgashiga iyo iskaashiga Ganacsi la saxiixday Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa isha ku haysa Dekedo ku yaalla Soomaaliya, iyadoo dhawaan Abiy Axmed booqasho uu ku yimid Muqdisho uu heshiis arintaasi ku saabsan la galay Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM