​Madaxweyne ku-xigeenka Brundi oo Muqdishu tagay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU-Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee dowladda Burundi, Gaston Sindimwo, ayaa maanta gaaray magalada Muqdishu xarunta Somalia, waxaana xarunta madaxtooyada ku qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Ujeedka safarkiisa ayaa lagu sheegay sidii xal looga gaari lahaa khilaaf labada dhinac dhawaan soo kala dhexgalay iyo kala warqaadasho ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Shabaab, maadama Burundi dalka Somalia kajoogaan ciidamo u xilsaaran nabad ilaalinta oo qayb ka ah AMISOM.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka hadlayay kulanka dhexmaray labada dhinac, ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay doorka naf-hurnimo ee dowladda Burundi ay ka qaadaneyso sidii nabad waarta Somalia loogu soo dabaali lahaa, isagoo dhanka kalena xusay in labada dal dhinacyo badan iska kaashan karaan.

“Burundi waa dal aanu walaalo nahay oo taageerada ay ina siiyeen qeyb ka noqon doonta taariikhda Soomaaliya. Dib u soo kabashada Soomaaliya Burundi kaalin weyn ayay ka qaadatey, waxaana rajeynayaa inaan ka wada shaqeyn doono iskaashi buuxa oo labada dal dhex mara,"Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in Somalia kalsooni ku qabto hoggaanka dalka Burundi iyo shacabkiisa inay xalin karaan xurguftii yareyd ee dhinaca siyaasadda ee dhowaan Burundi ka dhacdey.

Madaxweyne ku xigeenka Burundi Mr Sindimwo, ayaa dhankiisa xusay inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyay caasimada Muqdishu, isagoo intaa ku darey in booqashadiisa ay la xiriirto martiqaad horey ugu fidiyeen hoggaamiyeyaasha Somalida.

“Waxaa ugu weyn ujeeddada booqashadeena waa sidii loo dhisi lahaa guddi labada dal ka socda oo hawshoodu noqon doonto fulinta heshiisyadii labada dal horey ugu gaareen Bujumbura, markii uu ina soo booqday Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Waxaana ka wada shaqeyn doonaa sidii labada dal ay wadajir argagixisada uga tirtiri lahaayeen qaaradda Afrika,"Ayuu hadalkiisa raaciyay Sindimwo.

Heshiisyada ay labada dhinac gaareen ee la doonayo in la fuliyo waxaa ka mid ah gaashaandhigga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo in xogta dhinaca amniga la is weydaarsado.

Wafdiga Burundi ayaa sidoo kale sheegay in Kuliyadda Ciidammada ee Burundi oo lagu tababaro ciidammada milatariga iyo kuwa booliska uu soo dhoweynayo inuu fursado waxbarasho u fidiyo ciidammada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles