Madaxweyne Puntland oo magacaabey Gudoomiyaha gobolka Nugaal

Image

Sept 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta u magacaabey gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulahi Farole isagoo ku xigeen ka dhigey Qaasim Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha dowlada hoose ee degmada Garowe.

Magacaabista gudoomiyaha gobolka ee cusub ayaa timid bil kadib markii doorashada gudoomiyaha degmada Garowe lagu qabtey caasimada Puntland.

Cumar Farweyne oo horey uga soo noqdey taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa iminka ahaa taliyaha ciidanka aaga gobolka Nugaal iyo Sool.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona faahfaahin la xiriirta magacabistaan.

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM