Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan oo kulmay

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa Axada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo uu wehliyo ku xigeenkiisa iyo Swan ayaa wadahadalo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21 waxay ku yeesheen Madaxtooyadda Dhuusamareeb.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya [UNSOM] ayaa lagu fahfaahiyey ujeedka booqashadda diblumaasiga.

"Mas'uuliyiin sarre oo ka tirsan Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kana kala socday @UNDPSomalia iyo @WFPSomalia ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] iyo kooxdiisa kalana hadlay taageeradacaalamka  dhanka doorashooyinka 2020-21 ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya  ayna kamid tahay dhanka siyaasadda, horumarinta iyo arrimo kale," ayaa lagu yiri bayaanka.

Socdaalka uu Swan ku marayo xarumaha maamul goboleedyadda ayaa qeyb ka ah dedaaladda Beesha Caalamka ku dooneyso in xal looga khilaafka doorashooyinka kahor inta aan la gaarin 8-da Febraayo oo maalmo naga xigto.

Is-faham-waaga haatan jira waxaa xudun u ah; ciidamadda dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda ay xukuumadda ku dartay xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn iyo xulista wakiiladda Somaliland.

Swan ayaa la filayaa in uu socdaal ku maro xarumaha dowlad goboleedyadda isaga oo horey u booqdey magaala madaxda Koonfur Galbeed Baydhabo halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM