Xasan Sheekh oo amray in la baaro eedeyntii Hanti Dhowrka

Image
Image
Image
Image
Image

January 22 , 2015 (GO)- Kadib markii Hantidhowraha Guud ee Dowlada Federaalka Nuur Jimcaale Faarax, oo shir-jaraa'id magaalada Muqdisho ku qabtey sheegay in maamulka iyo shaqaalaha xafiiska  loo hanjabey loona diidey inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada, ayaa waxaa arintaas ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu amray xeer ilaalinta inay arintan sida ugu dhaqsaha badan baaritaan ugu sameyso, waxaa sidoo kale lagu xusay in madaxtooyada ka go'an tahay mar walba inay si hufan ula shaqeyso Xafiiska Hantidhowrka.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:

"Mogadishu- Xafiiska Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si weyn uga walaacsan yahay eedeymaha uu soo jeediyey Hantidhowrka Guud ee qaranka, waxaana uu ka codsadey Xeer Ilaaliyaha Guud inuu degdeg baaritaan ugu sameeyo eedeymahan.

Xafiiska Madaxtooyada waxaa ka go’an mar walbana diyaar u yahay taageerada in si hufan uu u shaqeeyo xafiiska Hantidhowrka Guud.

DHAMMAAD"

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM