Madaxweyne Xasan oo furay xero ciidan oo Dowaldda UAE dayactirtey

Image
Image
Image

May 12, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xerada tababarka ciidanka ee Xero-Agoon, halkaas oo ay dayactir ku sameysay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Xeradan oo si wanaagsan loo dayactiray waxaa maanta tababar loogu soo xiray askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka caawinayso Somaaliya dib-u-dhiska, xilliganna ay mashaariic horumarineed ka waddo gobollada dalka Soomaaliya. 
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka caawinayaan dhanka ammaanka iyo dib u dhiska ciidammada.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka taageerada ay siinayso dadka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in Imaaraadku ay Soomaaliya ka taageeraan arrimaha ammaanka, bani’aadamnimada iyo dib-dhiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo isna munaasabaddaas si kooban uga haldey ayaa sheegay in xeradan looga faa’iideysan doono tababarka iyo tayaynta ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM