Madaxweyne Xasan oo qaadacay xil ka qaadistii San-baloolshe

Image

[GO, Isniin, Sep 8, 2014] - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kasoo horjeestey go'aankii ay shalay [Axad] Golaha Wasiirradu xilka kaga qaadeen Agaasimihii Hay'adda Nabad-sugidda, Cabdulaahi San-baloolshe.

Ila wareedyo madaxtooyada Muqdisho ka agdhow ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu go'aanka Golaha Wasiirrada ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo lagu deg degay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Sheekh arrintaas iyo weliba mowqifka uu ka taagan yahay uu si faah faahsan uga hadli doono saacadaha soo socda.

Haddii Madaxweynuhu uu ku adkeysto go'aankan isaga ah, waxay taasi horseedi doontaa khilaaf hor leh oo soo kala dhex gala isaga iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Cabdullaahi Maxamed Cali San-baloolshe oo labo bilood kahor loosoo magacaabay Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugidda, wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka ay sida aadka ah isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Wasiirradu waxay xil ka qaadistiisa u sababeeyeen xil gudasho la'aan iyo weliba inuu dhayalsaday mas'uuliyadda ka saaran dhanka ammaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM