Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo oo Kismayo gaarey

Image

December 18, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Ujeedada socdaalka wafdiga Madaxweynaha ayaa ah sidii uu uga qayb geli lahaa munaasabad lagu sagootinayo ciidamada dalka Sierra Leone ee qaybta ka ah hawgalka AMISOM.

Ciidamada Sierra Leone ee joogey Kismaayo ayaa dib ugu noqon doona dalkooda hooyo iyadoo ay bedeli doonaan ciidamo kale oo Ethiopian ah.

Xasan Sheekh ayaa dhanka kale inta uu Kismaayo ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Maamulka Jubaland.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirada dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM