Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Dhuusomareeb tegey

Image

March 24, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, madax dhaqameed, saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha si diirran usoo dhoweeyey.

Ujeedada socdaalka Xasan Sheekh ayaa la xiriirta shirka maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug ee ka soconaya degmada Dhuusomareeb.

Booqashadan ayaa la filayaa inay qaadato muddo dhowr maalmood, waxaana muddada uu degmadaas ku sugan yahay Madaxweynuhu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkan gudihiisa tago magaalada Dhuusomareeb, bishii February ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii ugu horeysey ee uu halkaas tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM