Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Dhuusomareeb tegey

Image

March 24, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, madax dhaqameed, saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha si diirran usoo dhoweeyey.

Ujeedada socdaalka Xasan Sheekh ayaa la xiriirta shirka maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug ee ka soconaya degmada Dhuusomareeb.

Booqashadan ayaa la filayaa inay qaadato muddo dhowr maalmood, waxaana muddada uu degmadaas ku sugan yahay Madaxweynuhu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkan gudihiisa tago magaalada Dhuusomareeb, bishii February ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii ugu horeysey ee uu halkaas tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM