Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtey

Image

February 17, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkii hore safar caafimaad ugu baxay dalka Germany ayaa maanta dib magaalada Muqdisho ugu soo laabtey.

Mas'uuliyiin uu kamid ahaa gudoomiyaha barlamanka ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Madaxweynuhu wax war ah warbaahinta garoonka dhexdiisa kuma siin, haseyeeshe waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu shir-jaraa'id ku qabto madaxtooyada.

Safarka caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegey dalka Germany ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee dalka dibadiisa uu ku tago laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM