Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Danjire Kay oo degmada Baydhabo gaarey

Image

October 28, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka islamarkaana qayb ka yihiin Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Kay iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Federaalka ayaa gaarey degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaaari, xildibaano iyo boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calanka Soomaaliya iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin.

Xasan Shiikh ayaa maanta furaya shirka lagu dhamaystirayo dhismaha maamul goboleedka koonfur galbeed oo bilhii u dambeeyey qorshihiisu socdey. Madaxda maamulka koonfur galbeed, isimo iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool ayaa ku sugan hoolka shirka.

Dhanka kale ammaanka Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyey waxaana dhamaan jidadka muhiimka ah iyo agagaarka xarunta ADC ku sugan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Booqashada Madaxweyne Xasan Shiikh ku tegey degmada Baydhabo waxay kusoo aadeysaa xilli khilaaf xoogani ka dhexeeyo isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan shirka Baydhabo iyo weliba khudbadaha mas'uuliyiinta Dowladda Federaalku kasoo jeediyaan dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM