Madaxweyne Xasan Shiikh oo si dadban u sheegay in Trump weli hoos u eegayo dalka Soomaaliya
MUQDISHU — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabey hadal dhowaan ka soo yeerey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo uu ku sheegey in dalka Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah.
Xasan Shiikh oo hadal ka jeediyey shirka Hogaanka iyo Hal-abuurka ayaa yiri:
“Dad badan weli hoos ayay noo fiirinayaan iyagoo caqligooda ku saleynaya wixii la soo dhaafey oo aan arkeyn waxa maanta socda, wanaaga socda, iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed samynayaan balse jooga meeshii hore. Waxaan leeyahay: shalay ka imaada. Ummadda Soomaaliyeed waa dhaqaaqday, waa guurtey.”
Madaxweyne Trump ayaa asbuucyadii la soo dhaafey weerarro afka ah ku qaaday dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota, isaga oo hay’adaha socdaalka ku amray in ay qaadaan tallaabooyin looga saarayo dadka Soomaalida ah ee aan haysan sharciyada socdaalka. Xiisaddan ayaa qayb ka ah muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Trump iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar.
Dowladda Mareykanka oo door muhiim ah ku leh amniga Soomaaliya ayaa ku leh magaalada Muqdishu mid kamid ah safaaradaha ugu muhiimsan dalalka Afrika taas oo kaalin weyn ee muuqata ka qaadata adkeynta xiriirka labada dal islamarkaana ilaalisa danaha Washington ku leedahay Geeska Afrika. Dhanka Dowladda Federaalka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda kama aysan bixin wax faahfaahin ee ku saabsan xadgudubyada diploomasiyeed ee madaxweyne Trump.
Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku guuldareystey iney Al-Shabaab ka saarto inta badan Koonfurta iyo gobalada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ku hareereysan caasimadda, iyadoo amniga Muqdisho uu si weyn ugu tiirsan yahay ciidamo shisheeye oo uu hoggaaminayo Mareykanka. Sidoo kale, xogaha diblomaasiyadeed ayaa muujinaya in Mareykanku aanu ku qanacsanayn hab-dhaqanka Madaxweynaha ee ku saabsan xiriirka uu la leeyahay maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda nidaamka doorasho ee uu keligiis dejinayo, iyo isbeddellada uu ku wado dastuurka dalka.
Dhowaan waxa booqdey magaalada Kismaayo xarunta Jubaland safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley IV iyadoo warar hordhaca sheegayaan inuu ku soo wajahan yahay magaalada Garowe. Labada maamul ayaan xiriir wanagsan ka dhexeyn Villa Somalia.
Hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa imaanaya xilli muddo xileedkiisa ka harsan tahay 147 maalmood balse aysan jirin hannaan doorasho oo heshiis qaran lagu yahay.
GAROWE ONLINE