Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif oo Muqdishu tagay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd ee dalka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Safarkan ayaa loo badinayaa inu qayb ka yahay tuhunka ah in Sheekh Shariif mar kale u taaganyahay madaxweynaha Somalia, in kastoo uusan wali ku dhawaaqin.

Diyaarad khaas ah oo mudane Shariif ka keentay dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, ayaa soo cago dhigatay Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay, xubno katirsan xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa xusid mudan in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga mamnuucay warbaahinta.

Ammaanka magaalada Muqdishu, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana amniga madaxweynihii hore Somalia sugayay ciidamo gaar ah iyo kuwo katirsan AMISOM.

Shariif ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshihiisa caasumadda Somalia, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo loollankiisa murashaxnimo.

Waddooyinka muhiimka ah ayaa maanta la xiray iyadoo imaanshihiisa aad looga dareemayay maalmihii ugu dambaysay Muqdishu.

Socdaalka Shariif ee Xamar, ayaa yimid xilli uusan wali ka hadlin muranka Badda la xiriira ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, kaasoo lagu eedeeynayo madaxtii dalka xukumaysay 2009.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM