Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku soo wajahan Puntland

Image

GAROWE- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya oo waqtigu ka sii dhamaanayo ku soo wajahan yahay caasimadda Puntland ee Garowe.

Qorshaha safarka ee Madaxweyne Xasan Shiikh oo weli aan soo shaacbixin ayaa xogtaani sheegeysaa inuu la xiriiro ololihiisa doorasho ee 2016.

Booqashadaan ayaa la filayaa iney dhacdo markii Madaxwyne Gaas ka soo noqdo magalaada Addis Ababa.

Safarka Madaxweynaha Somaliya ayaa waxa ku weheliya kooxdiisa siyaasdeed ee Damul Jadiid kuwasoo Olole ka gali doona magaalada Garowe.

Xukuumada Puntland ayaa weli dhinacooda shaacin safarka la filayo in Xasan Shiikh ku yimaado Puntland inkastoo laga dareemayo diyaargarow xafiiska Madaxwyne Gaas.

Magalaada Garowe oo ay ka bilaami doonaan maalmaha soo socda xulashada xildhibanada aqalka sare iyo Hoose ayaa booqashada Xasan Shiikh diirada saari doontaa.

Madaxwyne Gaas oo xiriir wada shaqeyn dhow la leh Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dadka siyaasada la socdaa aaminsan yihiin inuu jiro heshiis labada dhinac ah ee la xiriira arimaha doorashada 2016.

Mudane Gaas ayaa wararkaan sheegayaan in safar dhulka ah la mari doono Madaxweyne  Xasan Shiikh kaasoo ay ku tagi doonaan magalaada Galakacayo. 

Xasan Shiikh ayaa sidaan oo kale asbuucii hore safar kadis ah ugu tagey magaalada Jigjiga oo ah xarunta is-maamulka Somalida ee Ethiopia kaasoo la xiriirey ololihiisa doorasho.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM