Madfac "ay tuureen" ciidanka AMISOM oo habsaday guri rayid

Image

JOWHAR, HirShabelle – Dadka isku qoys ah ayaa lagu waramayaa in ay waxyeelo kasoo gaartay hoobiye ay ciidamadda AMISOM ku tuureen tuuladda Mishaani oo ku dhow degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Geerida laba caruur ah iyo dhaawaca saddex kale oo ay kamid tahay hooyadood ayaa ka dhashay madfacaas ay tuureen ciidamadda AMISOM, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dadka degaanka iyo mas'uuliyiin ammaan.

"Falkaan wuxuu dhacay xalay abaare caweyskii. Ma garaneyno sababta ay ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM u tuureen madaafiicda mana maqal wax weerar ama rasaas ka horeysay hoobiyeyaasha," ayuu yiri sarkaal amni oo sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in uu saxaafadda la hadlo uga gaabsaday in magaciisa loo adeegsado qalabka warbaahinta xorta ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin falkaas mana ka jawaabin codsiyo loo diray.

Warsidaha Garowe Online ayaa isku dayay in uu xiriiro la sameeyo waaxda warfaafinta howlgalka AMISOM balse kama jawaabin dalabka.

"Dhaawaca saddexda kale oo hooyadda qoyska ku jirto waxay isugu jiraan qaar xaaladooda wanaagsan tahay iyo kuwa ay culus tahay, waxaana ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg-deg ah," ayuu yiri qof degaanka ah.

Dhacdooyinka noocaan oo ay ku lug-yeeshaan ciidamadda shisheeye ee waddanka jooga ayaa kiisaskii lasoo dhaafay waxaan loo baarin si daahfuran taas oo meesha ka saartey xuquuqda ama magdhow ay helaan dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM