Madoobe Nuunow oo lagu dilay weerarka Nasa Hablood2

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoone Nuunow Maxamed, ayaa kamid noqday 19 qof oo lagu dilay weerarka Hotel Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay geerida Madoobe Nuunow.

Allah ha u naxariistee wasiirka ayaa lagu dhex-toogtay qolka uu ka degnayaa Hotel Hotel Naasa-Hablood, oo ay ugu galeen rag hubaysan, waxaana lala dilay hooyo iyo canugeeda oo qolkiisa ku cararay markii weerarka uu billowday.

Madoobe Nuunow, oo horey usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka KMG ahaa ee dowladdii Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa waxa uu la socday wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaarey Khimiistii lasoo dhaafay.

Waxaa lagu casuumay shir ay wada qaadanayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha maamul goboleedyada, iyo gobolka Banaadir kaasi oo looga hadlayay horumarinta dowladaha hoose.

Dagaal ayaa wali ka socda gudaha Hotel Naasa-Hablood, oo ay ku jiraan rag hubaysan oo lagu qiyaasay inay saddex gaarayaan, kuwaasi oo mid mid u tooganaya dadkii deganaa hotel-ka, iyadoo ciidamada dowladda ay banaanka ku sugan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM