Magacyada "horjoogeyaal" laga dilay Al-Shabaab oo la shaaciyey

Image
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in xubnahan lagu beegsadey "howlgal qorsheysan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyadda saddex horjooge oo ay ku dishay howlgalka ay todobaadkii ciidamadda xoogga ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumada federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaas ay ciidanka sidoo kale ku burburiyeen xaruntii canshuur uruurinta Al-Shabaab.

"Ciidanka sida gaarka ah u tababaran oo howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak oo ahaa barta ugu wayn ee gobalka Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab ay ku aruurinayeen Lacagaha ay baada uga qaadaan shacabka gobalkaas, ayaa waxaa lagu dilay Horjooge magaciisa lagu soo koobay Carab, oo ahaa horjeege ku xigeenkii maleeshiyadaan ee deegaanka Mubaarak," ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamadda booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo ciidanka Duufaan ee hay'adda sirdoonka qaranka ayaa si wadajir ah u fuliyey howlgalkan oo Al-Shabaab aysan wali ka hadlin.

"Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay ku dhowaad 10-kale oo ka tirsan maleeshiyadaan oo ay ku jiraan Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii ugu sareeyay maleeshiyada ee deegaanka Mubaarak iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ow Maay Kaas oo maleeshiyadaan u qaabilsanaa dhaqaale aruurinta," ayaa la raaciyey bayaanka.

Sawirro laga soo qaadey goobta howlgalka ka dhacay ayaa muujinaya ciidamadda oo gacanta ku haya nuqulo kamid ah xaanshiyaha ay Al-Shabaab siiyaan dadka ay a qaadaan "lacagaha baada ah".

"Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah," ayay wasaaradu xustey.

Talaabadda ay qaadey dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid jawaab u ah weeraro dhiig badan ku daatay oo maleyshiyadda Al-Shabaab ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha dalka maalihii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM