Magacyada Mas'uuliyiintii lagu dilay Weerarkiii Naasa Hablood 2

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa soo saartey liis uu ku qoran yahay magacyada mas'uuliyiin ay sheegtay inay ku dishay weerarkii Hotel Naasa-Habloode 2 ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhri magacyada iyo darajada dadka la dilay;

1.Cabdi Naasir Gaarane, oo ahaa Xildhibaan hore, hadana kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.

2. Col Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa Taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile, waxaana la dhintay 10 ilaaladiisa ah.

3. Xasan Buufoow oo ahaa Korneel katirsan Nabad Sugidda, una qaabilsanaa hogaanka Maaliyadda.

4. Gaashaanle Bootaan oo ahaa Taliye Booliis, waxaa la dhintay Istaafkiisa.

5. Madoobe Nuunoow oo ahaa Wasiirkii arimaha gudaha Koonfur Galbeed, horayna xilal kala duwan usoo qabtay.

6. Zakariye Gaab oo ahaa La Taliyaha Wasiirka Amniga ee dowladda Federaalka.

7. Maxamed Xasan oo kamid ahaa Xillbinaadii hore, wuxuuna dowladdii Xasan Sheekh kasoo noday Wasiiru dowle.

8. Qunsulkii Itoobiya u joogay Muqdisho oo lagu mgacaabo Abraha Welda ayaa kamid ah dadka la dilay.

9. Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgalada Nabad Sugida.

Marka laga soo tago sheegashada Al Shabaab, ee ku aadan in 70 qof iyo mas'uuliyiintna kor ku xusan, dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay inay ku dhinteen weerarka 27 qof oo kaliya.

Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya, ayaa xaqiijisay saddex kamid ah kuwii weerarka soo qaadey nolosha lagu qabtey, halka labadii kalena lagu toogtey gudaha Hotel-ka inta uu howlgalka socday.

Weerarkan oo isagu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ayaa waxa uu billowday shalay abaare 5:00 p.m. waqtiga Soomaaliya, wuxuuna soo afjarmay saqdii dhexe marka ay saacadu ahayd 4:00 a.m.

Weerarkan ayaa yimid lanbo Asbuuc kadb qaraxii Isgoyska Zoobe, oo dhacay 14-ka bishan October, kaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 377 ruux, halka boqolaal kalen ay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM