Magacyada Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo, Baydhobo iyo Cadaado

Image

BAYDHOBO, Somalia - Kismaayo, Cadaado iyo Baydhobo waxaa maanta ka dhacay Doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana kusoo baxay tartanka xubno badan, oo qaarkooda aan ku cusbayn Saaxada siyaasadda Somalia.

Haddii aan ku hormarno Kismaayo, waxaa dhacdey doorashadii 3-aad ee xildhibanada aqalka hoose, waxaana halkaasi lagu doortay Lix mudane oo kala ah;  

Haashim Nuur Aadan (46 cod)  

C/llaahii Abuukar Xaaji (46 cod)

Maxamed Cali Cumar (47 cod) 

C/qaadir Aadan Nuur (34 cod) 

Jibriil C/rashiid Xaaji (39 cod) 

Xasan Cabdi Ismaaciil (31 cod) 

Sidoo kale, waxaa magaalada Baydhobo lagu doortay  7 Xildhibaan oo kale ah; 

Aadan Ibraahim Dhaayow (50 cod) 

Xasan Cali Maxamed  (35 cod) 

Maxamed Jaamac Mursal  ( 48 cod) 

Cali Aden Xuseen (45 cod) 

Maxamud Macalin Yaxye (26 cod) 

Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed (43 cod) 

Khaliif Duurey 

Magaalada Cadaado waxaa lagu doortay; 

Mahad Maxa'ed Salaad, oo ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Somalia, oo ah shaqsi aad ugu dhaw Xasan Sheekh iyo Ganacsade lagu magacaabo Saciid Nuur Giirshe. 

Meelaha qaar, waxaa doorashada hareeyay musuq-maasuq iyo Kursi gadasho, waxaana lagu kala iibsanayay Kuraasta lacago aad u badan oo gaaraya $5,000, waxaana taasi keentay cabashooyin. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM