Mahad Salaad: Agaasimaha cusub ee NISA oo xilal magacaabay

Image
Garowe Online ayaa qaadaadhigaya xogta magacaabida Cabaas Yacquub iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha cusub ee sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, ayaa dalac-siiyey Cabdullaahi Cabdiraxmaan iyo Cabaas Yacquub oo ku dhowaa maamulkii Fahad Yaasiin, sida uu ogaadey Garowe Online.

Cabaas Yacquub ayaa, sidda muujineyso macluumaadka uu helay GO, waxaa laga dhigay madaxa maamulka iyo maaliyadda ee NISA, halka Cabdulaahi Cabdiraxmaan loo xushay madaxa qeybta wardoonka ee isla hay'adda dhexdeeda.

Cabdiraxmaan ayaa horey soo noqdey maamulaha machadka cilmi-baarista iyo tababaradda ee NISA, halka Yacquub uu soo qabtey jago kale oo ah taliyaha guud ee ciidamadda gaarka ah ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Mahad uu dhowaan kasoo laabatay safar uu ku wehliyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kuna tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Socdaalkaas ayaa fursad u ahaa dib-u-hagaajinta cilaaqaadka Muqdisho iyo Abu Dhabi kaasoo meeshii ugu hooseysay gaarey shantii sano lasoo dhaafay oo uu jiray maamulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa si weyn loola xiriiriyaa Qadar. Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee hay'adda NISA waxaa la fahansan yahay in uu bud-dhige u ahaa cilaaqaadkaas ku dhisnaa in Muqdisho ay fulineyso danaha Dooxa ee dalalka Khaliijka.

Yacquub ayaa lagu waramay in uu ahaa shaqsigii gacanta ku hayey galka askarta Soomaaliyeed ee sida qarsoodiga ah loogu diray Eritrea halkaasoo qaarkood ay ugu dhinteen culeyska tababarka, kuwana ay xaalad dabiici ah ugu geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM