Malaysia oo gargaar cunto iyo Daawo u direysa dalka Somalia

Image

Dowladda Malaysia ayaa qayb yar oo kamid ah askarteeda waxay u diri-doontaa Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka ee shicibka Soomaaliyeed looga gargaarayo abaarta.

Wasiirka difaacada Malaysia ayaa tilmaamay in ciidanku haatan ku sugan yahay Riyaad, dalka Sucuudiga, loona diri doono Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Hishammuddin  wuxuu yiri, "Go'aanka ah inaan ciidamo u dirno Soomaaliya wuxuu yimid markaan la kulmay raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Cumar Carte Qaalib."

Wasiirku wuu sii hadlay, "Cumar wuxuu wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday inay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir."

Hishammuddin ayaa warfidiyeennada u sheegay in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro-gaar ah siiyeen ayna golaha wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.

Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta. 

Waxaa hadalladiisa kaloo kamid ahaa, "Xubnaha u socdaalaya Soomaaliya waxay sidaan cunto iyo daawo, waxayna isticmaali doonaan diyaaradda nooceedu yahay Hercules C-130".

Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay kasoo badbaadiyeen shicib u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.

Sidoo kale dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha Carabta sida Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asiyaha dhaca ay u saacidi lahaayeen Soomaaliya ayuu yiri wasiirka difaaca Malaysia.

Maxamed Jaamac Faarax 

Oslo, Norway Mjfaarax@gmail.com

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM