Mallayshiyaad katirsan Daacish oo Baydhabo lagu xukumay

Image

BAYDHABO, Somalia- Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida qaybteeda Lixdanaad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay ayaa go'aamisay xukumka ay mutaysanayaan rag la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

Ragga la xukumay oo gaarayay ila Afar qof ayaa lagu helay dhammaan kiisaskii loo haystay halka la fasaxay labo kale oo raggan lala xiriinayay, balse baaritaan kadib waxba lagu heli wayay.

Mallayshiyaadka la xukumay ayaa kala ahaa; Cabdicasiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyey in kooxda Daacish ay usoo wakiilatay magaalada Baydhabo, si uu uga fuliyo falalka guracan ee kooxdaasi.

Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka Daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa. 

Labada kale ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheakh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyey in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso xarunta gobolka Baay. 

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Lixdanaad Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukun ah min toban sano oo xabsi ciidan ah, waxaana  la sheegay inay tahay cawaaqibka ay heleen raggaasi.

02 September, 2016 ayaa raggan lagusoo badhigay magaalada Baydhabo, waxayna noqonaysaa markii ugu horraysay oo mallayshiyaad xiriir la leh Daacish lagu maxkamadeeyo dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM