Maman Sidikou oo sheegay in nabadgelyo buuxda Somalia ka jirto

Image

January 11, 2015 (GO)- Maman S. Sidikou oo ah wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya ayaa ku tilmaamay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka mid wanaagsan layskuna halleyn karo.

Sidikou ayaa sidoo kale sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka siyaasadda isagoo taas cadeyn uga dhigay shirkii IGAD ee shalay magaalada Muqdisho ku qabsoomay.

"Somalia waxaa ka jirta nabadgalyo weyn, waxaana taas cadeyn u ah booqashooyinkii ay Muqdisho horay ugu yimaadeen wufuud ka socota Midowga Africa,  Qaramada Midoobay iyo weliba booqashadii uu ku yimid xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, waana taas sababta wasiirrada IGAD shirkoodii halkan ugu yeesheen" Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somalia ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale mar uu ka hadlayey shirkii madaxda IGAD, wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay qaarkood yihiin kuwo Soomaaliya qiime gaar ah ugu fadhiya qaybna ka qaadanaya in la sii dardargeliyo hawlaha socda.

Waxay ahayd markii ugu horeysey ee wasiirrada arimaha dibada IGAD in kabadan labaatan sano kadib ku kulmaan xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM