Maraykanka oo dib u bilaabay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

Image
Ma jirto wax khasaare ah oo howlgalkii ugu dambeeyay kasoo gaaray dadka rayidka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-shahaab ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ciidamada Mareykanku ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow tuulada Beer Xaani ee duleedka Kismaayo, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Weerarkan ayaa yimid kadib marki maleeshiyada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka.

Ma jirto wax khasaare ah oo howlgalkan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Maraykanka dhankooda kama aysan hadlin weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay balse waxa uu noqonayaa mid ka mid ah weeraradii ugu horeeyay ee ay fuliyaan ciidanka Maraykanka tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen saldhigyadooda Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM