​Maraykanka oo duqayn ku dilay horjoogayaal katirsan Al Shabaab

Image

MUQDISHO, Somalia-Taliska Howlgalka militariga Mareykanka ee Geeska Africa, ayaa sheegay in 4 xunbood oo kamid ahaa Kooxda Al Shabaab ku dileen Duqeymo ay ka fuliyeen Koonfurta Somalia Todobaadkan.

Africa Command ma uusan sheegin Magacyada Horjoogiyaasha Al Shabaab ee ku dhintay Duqeymaha, balse waxa uu xusay in Weerarka uu ahaa mid Is-difaacid ah, oo ka dhacay Dulkeedka deegaanka Tooratorow.

Warka kasoo baxay dowladda Mareykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas fuliyeen Diyaaradao Dagaal oo Duqeyeeyay Goob Al Shabaab ku sugan yihiin oo ku dhaw degmadaasi.

Duqeynta waxay ka danbaysay kadib markii Al Shabaab  dagaal ku qaadeen ciidamada Kumaandooska Somalia iyo kuwa Mareykanka oo Howlgallo military kawaday nawaaxiga Tooratorow.

Diyaaradaha Drones-ka Militariga Mareykanka ayaa Bishii May, ee sanadkan duqayn Cirka ah ku diley Cabdullaahi Xaaji Da'uud, oo ahaa Horjooge sare oo kamid ahaa Kooxda Al Shabaab.

Xigasho: AP

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM