Mareykanka oo baaq cusub u jeediyey madaxda Soomaalida

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli shalay lasoo gabagabeeyay xulista xubnaha Aqalka Sare.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Mareykanka ayaa ku tartarsiisay madaxda Soomaalida in ay soo gabagabeeyaan doorashadda Aqalka Hoose kahor dhamaadka sanadkan aan hadda ku guda jirno ee 2021-ka.

Safaaradda xukuumadda Washington ee Muqdisho ayaa soojeedintan gudbisay iyadda oo tixraaceysa baaq uu ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble horey ugu jeediyey madaxda dowlad goboleedyadda waddanka.

Sida laga soo xigtay qoraalka safaaradda ku daabacdey ciwaankeeda gaarka ah ee Twitter-ka, dhaqaalaha lagu maalgelinayo doorashadda Aqalka Hoose ayaa diyaar ah waxaana muhiim ah in coddeynta la qabto.

"Waxaa soo dhaweynaynaa gabagabeynta doorashadda Aqalka Hoose. Waxaa hadda la joogaa waqtigii Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoorqoor, Guudlaawe, iyo Laftagareen ay xormayn lahaayeen baaqii Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadanaa in doorashada Aqalka Hoose lasoo gabagabeeyo kahor dhamaadka 2021," ayay tiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Dhaqaale ayaa diyaar ah si loo dhamaystiro qayb muhiim ah oo ka mid ah doorashooyinka Golaha Shacabka, taas oo ay ugu wacan tahay khidmadaha diiwaangelinta musharraxiinta ee horay looga soo ururiyay iyo qaaraanka ay ka heleen saaxiibada Soomaaliya, oo uu ku jiro Mareykanka".

Doorashadda Aqalka Hoose ayaa lasoo afmeeray shalay. Galmudug ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay ee dhameystiray . Guddiga doorashada ayaa horey bilowga xulista Aqalka Hoose ugu asteeyay 16-ka November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM