Mareykanka oo biyo-qabow ku shubay dhawaq ka yimid Al-Shabaab

Image
Washington ayaa hormuud u ah la dagaalanka kooxaha argagxisada ee ka dagaalama Geeska Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa hoos u dhigay khatarta Al Shabaab ee wadankaan ku yaalla geeska qaarada Afrika ka dib hadal ka soo yeeray maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo ay ku sheegen in ay mar un la wareegayaan guud ahaan Soomaaliya.

Larry safiirka Maraykanka ee Muqdisho ayaa sheegay in aysan Al-Shabaab u suurtagali karin in ay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo ayadu ku guuleysatay in ay la wareegto gacan ku haynta Afghanistan.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay in arrintaan ay Al-Shabaab ka leeyihiin buun-buunin, taasi oo uu wareysi laga qaaday ku sheegay Hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, Mahad Karate.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin Mareykanka, Turkiga, Midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaasi oo diyaar u ah in Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Larry ayaa qiray in Al-Shabaab ay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ku leedahay saameyn, taasi oo ku ek in ay lacagaha canshuuraha ku sheegen ay ka qaadaan ganacsatada.

Hoggaamiye ku xigeenka kooxda Al-Shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) oo waraysi nadir ah siiyay Channel 4 oo laga leeyahay UK ayaa ku shaaciyay in wax hadal ah aysan la gelin doonin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka maleeshiyada ayaa sababta ay ku diideen wadahadalka ku sheegeen in aysan aaminsaneyn dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Horjoogaha ayaa intaasi ku daray in cid kasta oo diidan Shareecada Islaamka aysan la hadli doono, ayna sii wadi doonaan dagaalka, isaga oo xusay in ay mar uun ay ku han weyn yihiin in ay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, ujeedkoodana uu yahay inay ka dhaqan geliyaan Shareecada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM