Mareykanka oo biyo qabow ku shubay socdaalka Biixi ee Washington

Image
Ameerikaanka ayaa iska fogeeyay in ay casuumaad rasmi ah u fidiyeen hogaamiyaha Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjiraha Mareykanka Larry André, ayaa sheegay in socdaalka hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ku tagay Washington uusan saameyn doono mowqifka dalkiisa ee madax-banaanida Soomaaliya.

André oo wareysi gaar ah siiyey warsidaha Garowe Online ayaa cod dheer wuxuu shaaca uga dhigay in xukuumadda Washington maamulka Hargeysa ula macaamileyso sida dowlad goboleedyadda kale ee ka jira Soomaaliya.

Diblumaasiga sarre oo gaashaanka ku dhuftay in Biixi uu Washington ku tahay casuumaad rasmi ah ayaa ku daray "Muuse Biixi, madaxweynaha gobolka Soomaaliya ka tirsan ee Somaliland wuxuu Washington u tagay danahiisa".

"Waxaan ixtiraamaynaa guulaha ay Somaliland ka gaartey dimuqraadiyadda, dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaana kula shaqeynayaan sidda aan ula macaamilno maamulada kale ee Soomaaliya," ayuu ku daray.

Garowe Online ayaa safiirka hordhigay wararka la xiriira in wasiiradda Somaliland, Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Koore loogu diidey dal-ku-galka Mareykanka sababo ku aadan barakicintii Laascaanood, balse André wuu ka gaabsadey.

"Waxaan kuu xaqiijinayaan in qadiyadda Somaliland ay tahay mid Soomaaliyeed ayna tahay in ay go'aan ka gaaraan Soomaalida. Sidaas darteeda, waxaan mar kale ugu baaqayaa dhinacyada in ay wadaxaajoodaan," ayuu kusoo xiray.

Madaxweyne Muse Bihi Abdi, ayaa madasha machadka The Heritage Foundation ee Washington ka sheegay in ka qeybgaleyaasha wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay "ku fashilmeen in ay gaaraan hadafkii loo socdey".

Isaga oo ka hadlaya duulaanka Ruushka, Biixi oo si feejigan uga fogaadey in uu si toos ah u cambaareeyo xukuumadda Moscow ayaa intaas ku daray in walaaca shacabka Ukraine "uu xusuusinayo wixii ku dhacay shacabka Somaliland tobannaan sano ka hor.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay raadinaysaa in ay aqoonsi caalami ah hesho. Balse, dedaaladaas ayaan wali miradhalin iyadda oo madaxda ismaamulka lagu eedeeyo in ay ajandahan u adeegsadan si ay xukunka usii haystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM