Mareykanka oo duqayn aargoosi ah ka fuliyay Soomaaliya

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta Dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in Gelinkii dambe ee Isniintii ay ka dhacday tuulooyin hoos-yimaada Buunda Araare duqan diyaaradeed.

Duqayntaan oo ay sameeyeen diyaaraddaha aan cidna wadin ee Mareykanka ayaa waxaa lagu beegsaday Saldhig la sheegay inay ku sugan yihiin dagaalyahanadda Al-Shabaab, sida uu ka dhawaajiyay masuul ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil, oo xaqiijiyay duqaynta ayaa tilmaamay in Duqayntaan ay jawaab u ahayd weerarkii ay Shabaab ee Saldhiga ciidamada xooga iyo kuwa maamulka ku leeyihiin tuulada Sanguuni.

Kaliil oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku daray inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay duqaynta kasoo gaartay xoogaga Al-Shabaab, balse, ay qiimayn ku wadaan wali tirada saxda ah ee duqayntaan sababtay marka laga hadlo dhanka khasaarha.

"Duqaynta waxay dhacday Galabnimadii Isniinta, waxayna jawaab u ahayd weerarkii Shabaab ee Sanguuni. Waxaan beegsanay Saldhigyo ay iyaga maamulaan, marka khasaaro wuu jiraan dib ayaan kasoo sheegi doonaa," ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

Dadka degaanka Araare oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warsidaha Garowe Online waxay xaqiijiyeen inay maqleen Dhawaqa Gantaalo, oo ay soo rideyso diyaarad, iyagoo ku daray hadalkooda inaanu sheegin karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabab oo mararka qaarkood ka hadasha duqamaha iyaga lagu beegsado wali wax qoraal ah kama aysan soo saarin duqayntaan la sheegay in lagu beegsaday Saldhigeeda duleedka Kismaayo.

Buundada Araare oo ku taala meel muhiim ah ayaa isku xirta Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubadda Dhexe, waxaana ay tahay meel noqotay goob dagaal sanadihii udambeeyay, maadaama dhinacyadda iska soo horjeeday ay kordhiyeen howlgaladoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM

Mucaaradka Soomaaliya Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu ka taagan yahay muran la xiriira sharciyadda hay'adaha dowladda.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 08:08PM