Mareykanka oo Duqeyn Cirka ah ka fuliyay Koonfurt Somalia

Image

DJABOUTI- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa xaqiijiyay in Diyaaradahooda ay Weerar cirka ah ka fuliyeen deegaan ay Kooxda Al shabaab maamusho, oo ku yaalla Koonfurta dalka Somalia.

Patrick Barnes, oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in Diyaaradaha Drones-ka ay fuliyeen Duqeyn lala bartilmaameedsadey hogaamiye katirsan Sirdoonka Kooxda Al shabaab, ee loo yaqaano Amniyat-ka.

AFRICOM ma aysan shaacin magaca Hogamiyaha ay bartilmaameedsadeen, iyo halka uu ka dhacay weerarka, balse waxa ay sheegeen in ay wadaan qiimeyn, islamarkaana ay dib kasoo fahfaahin doonaan.

Wararka Warsidaha GO uu helay ayaa sheegaya in Duqeynta ah ka dhacday shalay degmada Kuntuwaarey, ee gobolka Shabeellaha hoose, oo 100KM u jirta magaalada xeebta leh ee Baraawe.

Ibraahim Xaaji Daa’uud, oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Amniyat-ka Al shabaab ayaa lala eegtay weerarka Diyaaradaha Drones-ka, kaasi oo wararka ay sheegeen inuu ku dhintey Duqeynta.

Dhanka kale, Gudoomiyaha degmada Baraawe ayaa shalay sheegay in duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay tuulo ku dhaw degmadaasi lagu dilay Hogaamiye uu kusoo koobay magaciisa Dheereeye.

Waa weerarkii labaad oo Mareykanka uu ka fuliyo Somalia tan iyo bishii Marso, markii uu Madxweyne Trump uu bixiyay ogolaanshaha in Militriga dalkaasi ay fuliyaan Duqeynmo ka dhan ah Al shabaab.

Mareykanka ayaa ka jooga gudaha Somalia Askar aan tiradooda la ogeyn, oo ka gacan siinaya Ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM dagaalka lagula jiro Al shabaab iyo dib usoo celinta nabada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM