Mareykanka oo Duqeyn kale ka fuliyay Soomaaliya

Image

JAMAAME, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa shaaciyay Duqeyn kale oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab oo ay ka fuliyeen Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saartey AFRICOM ayaa lagu sheegay in Duqeyntan oo dhacday 21-ka bishan ay ka fuliyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo lagu dilay afar kamid ahaa Al Shabaab.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay dhanka kale in qiimeyn ay sameeyeen ku ogaadeen Sirdoonka Mareykanka inaysan jirin wax khasaaro, oo Duqeynta kasoo gaarey dadka shacabka ah ee ku nool Jamaame.

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn [Drone] ay geysatay weerarka, oo noqonaya midkii labaad oo mudo labo maalmood gudahooda Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeyntii hore ayaa ka dhacday duleedka degmada Jilib, oo ah saldhiga ugu weyn Al Shabaab ee gobolka Jubbada Dhexe 19-kii bishan, taasi oo lagu qaarijiyay saddex dagaalyahan.

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Africa ayaa 5 weerar oo cirka ah ka geestay Soomaaliya tan iyo inta uu billowday sanadkan 2018-ka, iyadoo 2017 ay fuliyeen in ka badan 35 duqeyn, oo mid lala eegtay Daacishta ku sugan Puntland.

Dowladda Mareykanka ayaa qiyaastii 500 oo Askari ka jooga Soomaaliya kuwaasi oo ka caawiya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM howlgallada gaarka ah ee lagu qaado goobaha Al Shabaab.

Mareykanka ayaa Hal Askari oo katirsana kuwa sida gaarka u tababaran ee Navy SEAL looga dilay bishii May, ee sanadkii 2017 deegaanka Bariire, ee gobolka Shabeellaha hoose, isagoo ka qeybgalayay Howlgal gaar ah oo lagu qaaday Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM