Mareykanka oo Gaadiid Gaashaaman siiyay DFS [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa maanta oo Talaado ah soo gaarsiisay Gaadiid Gaashaaman Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka difaacca Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu wareejiyay 6 Gaari oo nooca aan Xabadda Karin ah kuwaasi oo loogu talagalay in lagu qabto howlaha Wasaaradda muhiimka u ah.

Saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa gudoonsiiyay Gaadiidkan deeqda ah Wasiir Mursal kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

Gaadiidkan ayay dowladda Mareykanka ugu tala-gashay in Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ay ku qabsato howlaga gaarka ah, sida in lagu qaado Saraakiisha ciidamada xoogga oo hadda aan haysan baabuurta aan xabada-karin.

Mareykanka ayaa ka taageera dowladda Federaalka Soomaaliya dhinac ciidanka, oo tababaro iyo qalab u siiso, iyadoo sidoo kale ay ka joogaan dalka in ka badan 500 oo Askari kuwaasi oo ka qeyb-qaata howlgallada gaarka ah ee lagu qaado xaruumo Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM