Mareykanka oo hakiyay taageeradii ciidamada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Dowladda Mareykanka ayaa hakinaysa taageeradii dhanka raashiinka iyo shidaal ee ay siinaysay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kadib markii uu hareeyay musuq-maasuq.

Tani ayaa dhabar jab iyo dharbaaxo culus ku ah Militariga Soomaaliya, xilli dalka ay ka baxaan wixii ka dambeeya bishan ciidamada AMISOM, lana filayo inay kala wareegaan mas'uuliyadda amniga dalka.

Ciidamada AMISOM waxay yimaadeen Muqdisho 10 sano kahor si ay Al Shabaab ula dagaalamaan, ugana taageeraan ciidanka dowladda Soomaaliya dhinac tababarka iyo farsamooyinka kale.

Mareykanka oo bixiya dhaqaalaha ku baxa howlgalka AMISOM ayaa sheegay inuu ku jahwareeray dowladihaha isku bedelaya talada dalka Soomaaliya, oo ku guuldareestay dhamaan inay dhisaan ciidanka qaran oo tayo iyo waxtar leh.

Diblomaasiyiinta ayaa ka walaacsan sidoo kale in maadaama aysan jirin ciidamo qaran oo awood leh, ay Al Shabaab u suurtgelinaysa inay la wareegaan meelaha ay ka baxaan AMISOM.

Hadii aan la dhisin ciidan xoog badan, islamarkaana ciidamada AMISOM ay baxayaan dalka waxaa waajib ah in dib loo yagleello ciidanka qaranka, loona dhamaystiro agabkooda iyo xuquuqdooda dhaqaale.

Hakinta Mareykanka ee taageeradii ciidamada Soomaaiya hakiyay, waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka inay buuxiso goobaha ay kasoo baxayaan AMISOM.

Sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Reuters in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ku guuldareesteen inay inay ku dhaqmaan isla-xisaabtan waafaqsan taageerada Mareykanka.

Go'aanka Mareykanka ayaa yimid xilli xasaasi ah oo dalka ay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya, islamarkaana dalka ay kusoo wajahan tahay doorashada madaxtinimo 2020.

Kunka Askari ee ugu horeeya ee dalka ka baxaya waxaa la filayaa inay 31-ka bishan u dhoofi soonaan dalalka ay ka yimaadeed, kuwaasi oo kala ah Kenya, Uganda, Ethiopia, Jabuuti iyo Burundi.

Qoraalo ay Saraakiisa waaxda arrimaha dibadda Mareykanka u direeny Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu in ay ku jahwareereen la xisaabtanka gargaarka la siiyo ciidamada DFS.

Intii u dhaxaysay May iyo June ee sanadkan waxaa Soomaaliya booqasho ku yimid saraakiil Mareykanka ah oo la geeyay 9 saldhig military, iyagoo u kuurgalaya xaaladda ciidamada gaaraya 5,000 oo Askari inay helayeenreen raahsiinka iyo shidaalka loogu deeqo.

"Ma arag raashiinkii Mareykanka ugu deeqay ciidamada, mana jirto cadeyn muujinysa in la isticmaalay raashiinka iyo shidaalka," waxaa sidaasi u sheegay dowladda Federaalka Koox ka socota Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM