Mareykanka oo Howlgal ka ka fuliyay Soomaaliya

Image

JILIB, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in Duqeyn ay ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen labo xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab, mid kalena ay ku dhaawaceen.

War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu xaqiijiyay Duqeynta oo ay ka fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Drones-ka maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

Dadka ku nool Jilib, oo qiyaastii 120KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa qaraxyo xooggan, xilli ay socotay duqeynta oo lala beegsaday saldhig Al-shabaab ku leedahay duleedka degmada.

Weerarka ayaa noqonaya midkii 6aad oo Mareykanka Ciidamadiisa ka fuliyeen gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu billowday sanadkan 2018, iyadoo sanadkii hore 2017 ay Al-Shabaab iyo Daacish la eegteen in ka badan 35 Duqeyn.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Maarso, 2017 bixiyay ogolaansho lagu kordhinayo Duqeymaha Soomaaliya, ee lagu bartilmaameedsanayo Kooxaha Argagaxisada Al-Shabaab iyo kuwa xiriirka la leh Daacish ee ku sugan Puntland.

Boqolaal Al-shabaab katirsanaa iyo dhowr Xubnood oo Daacish ah ayuu Mareykanka sheegay inuu ku dilay Duqeymaha sanadkii tagey, kuwaasi oo uu sheegay inay ka gacan siisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAR0WE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM