Mareykanka oo ka digay daahida doorashada Soomaaliya

Image
Mareykanka ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee qabanqaabinta iyo maalgelinta doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka Soomaaliya wuxuu halis ku yahay qorsheyaasha hortabinta leh ee qaranka, sidda ay shaaca ka dhigey safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Ugu yaraan saddex jeer ayay dib-u-dhacdey coddeynta illaa haatan. Madaxda Soomaalida waxaa lagu dhaleeceeyay in ay ka gaabiyeen gudashadda waajibaadkooda ah dardargelinta doorashadda. 

Colleen Crenwelg, wakiil ka socdey safaaradda oo ka qeyb-galay Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka, ayaa soojeedisay sidda ay muhiim u tahay in coddeynta ay kusoo dhamaato muddo laba bilood gudahooda.

Sida laga soo xigtey Crenwelg, hogaamiyeyaasha Soomaalida waxaa muhiim ah in ay ahmiyadda koowaad ka dhigtaan sidii waddanka looga samatabixin lahaa mar-xalada adag ee waqti-xaadirkan uu dhexda uga jiro.

"Haddii jadwalka doorashadda uu daba-dheeraado kuna soo gabagaboobin muddo laba bilood ah, waxay arrintaas Soomaaliya ka leexinaysaa mawduucyadda heer qaran ee hortabinta leh tusaale ahaan arrimaha bini'aadanimadda," ayay hoosta ka xariiqday.

Crenwelg ayaa adkeysay in danta Soomaaliya laga horumariyo midda shaqsiyaadka qaaska. Tani waxaa la rumeysan yahay in ay tahay fariin si toos ah ugu socota madaxda Soomaalida oo ah in ay danta guud horumariyaan.

Mareykanka ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee qabanqaabinta iyo maalgelinta doorashooyinka door muhiim ah ku leh dhowaanna ku hanjabay in aysan bixin doonin kaalmadda haddii hanaanka uusan noqon mid hufan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM