Mareykanka oo ka digay daahida doorashada Soomaaliya

Image
Mareykanka ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee qabanqaabinta iyo maalgelinta doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka Soomaaliya wuxuu halis ku yahay qorsheyaasha hortabinta leh ee qaranka, sidda ay shaaca ka dhigey safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Ugu yaraan saddex jeer ayay dib-u-dhacdey coddeynta illaa haatan. Madaxda Soomaalida waxaa lagu dhaleeceeyay in ay ka gaabiyeen gudashadda waajibaadkooda ah dardargelinta doorashadda. 

Colleen Crenwelg, wakiil ka socdey safaaradda oo ka qeyb-galay Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka, ayaa soojeedisay sidda ay muhiim u tahay in coddeynta ay kusoo dhamaato muddo laba bilood gudahooda.

Sida laga soo xigtey Crenwelg, hogaamiyeyaasha Soomaalida waxaa muhiim ah in ay ahmiyadda koowaad ka dhigtaan sidii waddanka looga samatabixin lahaa mar-xalada adag ee waqti-xaadirkan uu dhexda uga jiro.

"Haddii jadwalka doorashadda uu daba-dheeraado kuna soo gabagaboobin muddo laba bilood ah, waxay arrintaas Soomaaliya ka leexinaysaa mawduucyadda heer qaran ee hortabinta leh tusaale ahaan arrimaha bini'aadanimadda," ayay hoosta ka xariiqday.

Crenwelg ayaa adkeysay in danta Soomaaliya laga horumariyo midda shaqsiyaadka qaaska. Tani waxaa la rumeysan yahay in ay tahay fariin si toos ah ugu socota madaxda Soomaalida oo ah in ay danta guud horumariyaan.

Mareykanka ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee qabanqaabinta iyo maalgelinta doorashooyinka door muhiim ah ku leh dhowaanna ku hanjabay in aysan bixin doonin kaalmadda haddii hanaanka uusan noqon mid hufan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM