Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha Duqeymaha Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Wasaaradda difaaca Mareykanka [Pentagon], ayaa war kasoo saartey khasaaraha ka dhashay duqeymaha cirka ee ay ka fuliyeen diyaaradahooda gudaga wadanka Soomaaliya.

Pentagon ayaa xaqiijisay in 40 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab iyo Daacish ay ku dileen 5 weerar oo afartii maalmood ee ugu dambeeyay ka geesteen Koonfurta Soomaaliya iyo deegaanada Puntland.

Colonel Rob Manning, oo ah Afhayeenka waaxda Pentagon ayaa sheegay in mid kamid ah duqeymaha lala eegtay Daacish-ta ku sugan buuraha gobolka Bari, kaasi oo lagu dilay 4 xubnood oo ISIL katirsanaa.

"Annagoo kaashanayna ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan Soomaaliya ka fulinay 5 weerar oo aan la bartilmaameedsanay Kooxaha Daacish iyo Al Shabaab laga soo billaabo 9-ka illaa 12-ka November, waxaana ku dilnay 40 xubnood," ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka.

Duqeymaha waxaa fuliyay ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Africa ee loo yaqaano [AFRICOM], kuwaasi oo ka gacan siinaya dowladda Federaalka  dagaalka ay kula jirto Al Shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii March ee 2017 bixiyay ogolaansho lagu kordhinayo duqeymaha Soomaaliya, kadib markii ay xoogeysatay khatarta Al Shabaab ee geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM