Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Koox xiriir la leh Al Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya - War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa waxaa Liiska Argixisida caalamiga ah lagu daray koox lagu magacaabo Al-Hijra oo ka sheegay inay ka dagaalanto Kenya iyo Soomaaliya.

Al-Hijra ayaa lagu sifeeyay inay tahay koox "xagjir ah", kuwaasoo xiriir la leh Xoogaga Al-Shabaab ee dagaalka adag kala soo horjeeda dowladda caalamku taageero ee Soomaaliya, iyagoo howlgalo uga wada fuliya labada dal si wadajir ah.

Kooxdan Al-Hijra, oo lagu aas-aasay 2008 magaalada Nairobi, ayaa waxaa la sheegay inay tahay garab kamid ah Al-Shabaab, oo kala dhaxeeya xiriir dhanka howlgallada iyo wadaagga macluumaadka, waxaana u dagaalama Soomaali iyo Kenyan.

Ururkan ayaa sidoo kale u qaabilsan Al-Shabaab inuu dagaalyanado Kenyan ah usoo qoro, sidoo kalena u fududeeyo safaradooda dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii 14-kii October 2017 ka dhacay Muqdisho kasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, waxaana horey Kooxdan u sheegatay weeraradii Westgate Mall ee Nairobi oo dhacay September 2013, oo lagu dilay 70 qof iyo midkii Kampala July 2010 oo 76 ruux, oo muwaadin Mareykanka uu ku jiray ay ku dhinteen.

Labada Urur ayaa iska kaashada sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay sheegtay weerarada gobolka Geeska Africa, oo ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Kenya iyo Uganda.

Dhanka kale, bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca xukuumada Washingtong ayaa waxaa lacago la dul-dhigay hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Al-Hijra, kaasoo magaciisa lagu sheegay Axmed Imaan Cali, sida laga soo xigtay bayaanka.

Mareykanka ayaa sheegay in Axmed uu yahay xubin ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana hogaamiya kooxda Al-Hijra oo fadhigeeda ugu wayn uu yahay Kenya, laakiin howlgalo kala fulisa Al-Shabaab degaanada xuduudka ku teedsan.

Qiimo lacageed dhan 3 milyan oo Dollar Mareykanka ayay sheegtay Wasaaradda Difaaca Mareykanka in la siin doono qofkii soo sheega macluumaad lagu khaarijin karo Axmed Iimaan, oo tiro dhowr jeer ah ka baxsaday laamaha amaanka Kenya.

Mar sii horeysay warbaahinta Kenya ayaa baahisay in Axmed uu ka goostay Al-Hijra uuna ku biiray Al-Shabaab, isagoo baneeyay doorkiisa hogaaminimo, balse, Sirdoonka Kenya iyo Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas.

Mareykanka ayaa kordhiyay dagaalka ka dhanka ah "Argigixisadda" Afrika gaara ahaan Soomaaliya, iyadoo uu lacago dul-dhigay hogaamiye-yaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM