Mareykanka oo markab dagaal u diray biyaha Soomaaliya

Image

WASHINTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa markab dagaal oo weyn waxay u soo dirtay biyaha Soomaaliya, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha waddankaas.

Sidda ay warbixinadda muujinayaan, markabkan ayaa waxaa loosoo diray in ay uu caawiyo ciidamadda Mareykanka isla markaana qeyb ka noqdo daad-gureynta hantida ay ka baxayaan.

Hantidaas oo aan la fahfaahin waxay ay tahay ayaa lagu wadaa in la daabulo saddexda todobaad ee soo aadan.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan lagu magacaabo USS Hershel "Woody" Williams uu si gooni ah ula shaqeyn doono guutadda kamid ah ciidamadda Mareykanka ee Operation OCTAVE QUARTZ.

Talaabadda ay Washington kusoo dirtay markabkan waxay kusoo hagaageysaa xilli lagu waddo in horaanta 2021 ay ciidamadda ka jooga Soomaaliya u wareejiso wadamadda Kenya iyo Jabuuti.

Mareykanka oo sanadihii ugu dambeeyay ka howlgalayey Soomaaliya ayaa door ka qaatay dhismaha ciidamadda Soomaaliya, tababarkooda, qalabeyntooda iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad waxay uga soo horjeestay bixitaanka askarta Mareykanka, iyadda oo tibaaxdey in ay dharbaaxo ku tahay ololaha qaranka kula dagaalamayo kooxaha xagjirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM