Mareykanka oo u hanjabay madaxda Soomaalida

Image

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii ka digtay in ay tallaabo ka qaadi doono kuwa carqaladdda ku ah dariiqa nabadda Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskudayga shaqa-joojinta Ra’isulwasaare Rooble ay tahay mid walwalkeeda leh, isla markaana uu Mareykanka taageerayo dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa caqabadda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Iskudayga shaqo-joojinta Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid laga naxo, waanu taageersannahay dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyada waa in ay ka baaqsadaan ficillada iyo hadallada kicinta ah," ayuu lagu yiri hadalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Dhanka kale, Ilhan Omar oo ah gabar Soomaali-Mareykan ah oo ka tirsan Koonagreeska Mareykanka ayaa qoraal ay Isniinti soo saartay ku sheegtay, in muddo xileedka Madaxweyne Farmajo ay kasoo wareegatay hal sano, sidaasi daraadeedna la joogo waqtigii uu bixi lahaa, si loo loo socodsiiyo doorashooyinka muddada dheer qaatay.

Hadalka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yimid, maalin kaddib marki uu madaxweyne Farmajo sheegay inuu shaqada ka joojiyay ra’isulwasaare roobe, arrintaas oo uu ka biyo diiday raisulwasaaraha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM