Mareykanka oo u hanjabey dowladda Federalka Somalia

Image

Jimce, nov 14,2014 [GO]- Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtey iney jareyso tageerada dhaqaale oo ay siiso wadanka Somalia sababtoo ah khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowlada Federaalka, sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo diidey magaciisa.

Wakiilka  u qaabilsan dowlada Mareykanka arrimaha Somalia James P. McAnulty ayaa ku cabsi galiyey madaxda dowlada Federaalka in dowladiisu jareyso tageerada dhaqaale hadii aysan dhameyn khilaafka u dhexeeya, kadib markii uu soo dhamaadey kulan uu kula qaatey garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde Asbucii lasoo dhaafey.

Dhinaca kale beesha caalamka waxey dhumisay kalsoonida ay ku qabtey dowlada Somalia, dowlada Mareykanka waxey ku hanjabtey iney jareyso tageerada dhaqaale iyo midda ciidan oo ay siiso Villa Somalia, sidaas waxaa Wakaalada wararka AP u sheegey sarkaal ka tirsan QM oo diidey magaciisa in la xuso.

Dowlada Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtey in ka baaqsatey kulan lagu qaban lahaa wadanka Denmark kaasoo dhaqaale loogu ururin lahaa dolwada Federalka Somalia.

Mareykanka ayaa sanadkii la soo dhaafey dowlada Federaalka siiyey tageero dhaqaale oo gaaraysa $58 million halka $271million u siisyey hub ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM