Mareykanka soo farageliyey "dib-u-heshiisiinta" Koonfur Galbeed

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la kulmay danjiraha Washington u fadhiya Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka ah Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Khamiista maanta ah wuxuu kulan la qaatay danjiraha dalka Mareykanka Larry Andrè.

Andrè ayaa, sidda lagu sheegay bayaan, wuxuu Guddoomiye Sheekh Aadan uga mahadceliyay sida dowladda Soomaaliyeed ay ula shaqeeyso wadamadda beesha caalamka.

Safiirka ayaa "taageeray dib u heshiisiinta uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay islamarkaana dhawaan loo madlanyahay inay ka bilaaban doonta magalada Baydhabo ee caasimadda KMG Koonfur Galbeed".

Sidoo kale Amb. Larry Andrè ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageeri doonto horumarinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aadan Madoobe oo gabagabada kulanka ku boggaadiyay dowladda Mareykanka taageerada iyo mashaariicda horumarineed oo ay ka fulisay Soomaaliya iyo taageerada dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta oo cadow ku ah jiritaanka iyo qaranimada dalka.

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen uu Khamiista maanta ah ka dagay magaalada Garowe halkaasoo la filayo in uu shir gaar ah kula yeesho dhigiisa Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni iyo Laftagareen ayaa is-aragooda kadib waxaa laga yaabaa in ay si wadajir ah ugu socdaalaan Itoobiya halkaasoo maalmo kahor ay isku soo arkeen. Madaxweynaha Puntland ayaa maarkaas ka yimid Imaaraadka, halka Laftagareen uu sii joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM