​MARKA: Haweenay Xaamilo ah oo la kufsaday kadibna la dilay

Image

MARKA, Somalia - Waxaa magaalada Xeebta ku taalla ee Marka lagu kufsadey Haweenay Xaamilo ahayd, oo Allah ha u naxariistee lagu magacaabi jiray Xaawo Maamow Cismaan.

Saraakiisha amniga magaalada, ayaa xaqiijiyay in Koox hubaysan ay afduubeen Maamo Xaawo oo ahayd Haweeney ka ganacsatada Khudaarta, kadibna ay dileen markii ay Kufsi wadareed kula kaceen.

Dilka iyo Kusfiga ayaa ka dhacay Xaafad lagu magacaabo Waa-gaadi oo katirsan Marka shalay gelinkii dambe, waxaana goobta Meydadkeeda kasoo qaadey ehelkeeda iyo dad kaloo shacab ah.

Dadka Deegaanka ayaa aad uga argagaxay falkan foosha xun, ee lagula kacay Haweenaydan, oo kamid ahayd dadka sida aadka ah looga yaqaaney magaalada Marka, ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal Beeleedka ka socda gobolka Shabeellaha hoose shantii sano ee ugu dambeeyay, ayaa galaaftay nolosha dad badan, oo shacab ah, kuwaasi oo aanooyin qabiil loo dilay, iyadoo kufsi loo gaystay haween badan.

Malleeshiyaad kasoo kala soo jeeda Beelaha Biyamaal iyo Habargidir ayaa ku dagaalamaya awoodda gobolkan qaniga ku ah wax soo saarka dhanka  Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Somalia iyo maamuladii ka horeeyay ayaa ku fashilmay inay joojiyaan Colaada gobolka Shabeellaha hoose, taasi oo saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM