​Markab shixnad sida oo Muqdishu kusoo xirtay

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta dekedda Muqdishu xarunta Somalia kusoo xirtay markab shixnad gargaar u siday Somalia, kaasoo horraantii bishan kasoo shiraacday dalka Turkiga.

Markabkan, ayaa sida gargaar gaaraya 11-kun tan, waxaana lagu wareejiyay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha, oo  mahad celin usoo jeedisay waddankaasi oo ay ku ammaaneen kaalinta uu ka qaado kaalmaynta Somalia.

Turkiga, ayaa sheegay in deeqdan loogu tala galay dadka tabaalaysan gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Saraakiil katirsan dowladda Somalia ayaa ku howllan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan fatahaadda uu sameeyay wabiga Shabelle.

Hay'adda masiibooyinka iyo gurmadka ee Somalia, ayaa sheegtay in deeqdan qayb kamid ah la gaarsiin doono dadka ku dhibaataysan degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Maaha markii ugu horraysay ee Turkigu deeq siiyo Somalia, balse waxaa taageero xooggan ka gaystay xaaladdii macaluusha ahayd ee ka taagnayd Somalia, sannadkii 2011, waxaana xilligaas booqasho Somalia ku yimi madaxweynaha waddanka Turkiga Erdegon oo xilligaas ahaa Ra'isal wasaare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM