Markab sidey qaxooti Somali ah oo gaarey magaalada Barbera

Image

BERBERA, 22 April, 2015 ( GO)- Markab sidey qaxooti u badan Somalia oo tiradoodu gaareyso 450 qof ayaa saaka aroortii soo gaarey magaalada Babera.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo saraakiil ka socdey UNICEF ayaa dadkaas si diirran dekedda Berbera ugu soo dhoweeyey.

Markabkan oo lagu magacaabo NOVA1 ayaa kasoo shiraacdey dekedda Makha ee dalka Yamen.

Asbucyadii lasoo dhaafey, waxaa magaalooyinka Bosaso iyo Barbera kusoo qulqulayey qaxooti isugu jira Somali iyo Yameniyiin kuwasoo kasoo cararay dagaalada ka socda wadanka Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM