​Marxuum Wasiir Siraaji oo Muqdishu lagu aasay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- ALLAHA u naxariistee waxaa galinkii dambe maanta magaalada Muqdishu lagu aasay Marxuum Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Somalia, Cabbaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo xalay lagu dilay magaalaada Muqdishu.

Salaadda Janaasada ayaa Marxuumka loogu tukaday Masaajid ku yaalla Madaxtooyada, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Somalia iyo xubno katirsan golayaasha dowladda.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyg galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile), Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibbadiisa, iyo xubno kale.

Qaar kamid ah Madaxda dowladda Somalia, ayaa tacsi u diray Ehelkii iyo umadda Somaliyeed ee Marxuum Cabbaas uu ka tagay, waxayna codsadeen in cadaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyay dilka.

Waxay muujiyeen in arrintan tahay masiibo dhacday oo ay kawada xunyihiin.

Madaxweynaha Somalia, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu, kadib markii uu soo gaabiyay safar uu ku tagay Addis oo qaadan lahaa Saddex Cisho.

Waxaa socda baaritaano ku aadan qaabka dilku u dhacay, waxaana la xiray qaar kamid ah ilaada Hanti Dhowraha Qaranka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM