Mas'uul ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta oo Muqdisho lagu diley

Image

February 15, 2015 (GO)- Mas'uul ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta ee Dowlada Federaalka ayaa maanta lagu diley degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Mas'uulka geeriyoodey oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Maxamed Siyaad waxaa toogtey labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa xilli uu xafiiskiisa kusii jeedey.

Dableyda dilka geysatey ayaa durbadiiba goobta ka baxsatey haseyeeshee booliska oo daqiiqado kadib aagga dilku ka dhacay xirey ayaa qabtey dhowr qof oo laga shekiyey.

Boolisku waxay sidoo kale sheegeen inay ku raad joogaan dhowr qof oo kale, kuwaasoo la rumeysan yahay inay dilka Yuusuf Maxamed Siyaad wax ka ogaayeen.

Dilka hawl-wadeenkaas waxaa ka tacsiyeeyey wasiirka cusub ee Wasaarada Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte, isagoo ku hanjabey in kuwii ka dambeeyeyna sharciga la hor keeni doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM