Mas'uul kasoo shaqeeyay Soomaaliya oo la dalacsiiyey

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Siddharth Chatterjee oo u dhashay Hindiya wuxuu u u magacaabay Isu-duwahiisa arrimaha degaanka ee u qaabilsan waddanka Shiinaha.

Stephane Dujarric, afhayeenka Guterres oo xusay in China aqbalay magacaabida, ayaa sheegay in Chatterjee uu shaqo geli doono Janaayo, 2021-ka.

"Waanu u hambalyeyneynaa saaxiibkeena," ayuu Dujarric raaciyey. "Waxaan u rajeyn doonaa in uu ku guuleysto waajibaadka culus ee loo idmaday".

Waajibaadka Chatterjee ayaa ah in uu dowladda Shiinaha ka caawiyo sidii ay uga soo kaban lahayd saameynta kasoo gartay safmareenka Covid-19.

Chatterjee oo in ka badan 25 ka shaqeynayey iskaashiga caalamiga ah, horumarinta, isku-xirka howlaha bini'aadanimada, nabada iyo xasiloonida ayaa UN-ka wuxuu kasoo qabtay jagooyin kala duwan oo muhiim ah.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka dhalaanka ee UNICEF ayuu xilal kasoo qabtay gaar ahaan xafiisyadeeda wadamadda kala ah; Indonesia, Soomaaliya, Suudaante Koonfureed, Suudaan si lamid ah Bosnia.

Isu-duwaha arrimaha degaanka ee Qaramada Midoobay ee Kenya ayuu soo noqdey. Wakiilka UNDP iyo UNFPA ee Kenya ayuu soo qabtey. Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Ciraaq [UNAMI] ayuu sidoo kale noqdey.

Sikastaba, Chatterjee ayaa shahaadada master wuxuu ka qaatay Jaaamcadda Princeton ee Mareykanka isaga oo bartey Public Policy, halka uu bachelor-ka ka diyaariyey National Defence Academy ee gudaha dalkiisa Hindiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM