Mas'uul lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Image
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qarax Talaadada maanta ah ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni iyo goobjoogeyaal.

Qaraxa oo ahaa miino nooca meelaha fog-fog laga hago ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Kaxda iyo degaanka Garasbaaley gaar ahaan waaxda Foorilow ee gobolka Banaadir.

Dadka ku naf-waayey weerarkan ay sheegatay maleyshiyadda Al-Shabaab waxaa kamid ah Maxamed Abuukar Afrax [Bidaar], oo ahaa guddoomiyihii degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

"Marxuumka oo xilkan loo magacaabay 31-dii bishii May, 2021 ayaa u geeriyoodey dhaawac culus oo kasoo gaarey weerarkaas," ayuu yiri sarkaalka ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, tirada askarta ku dhimatay qaraxaan waxay ka badan illaa 4 wallow kaliya la xaqiijiyey laba.

Askarta ayaa kamid ahayd ilaaladda marxuum Bidaar. Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa tacsi u diray qoyskiisa waxayna sheegeen in ay murugada la wadaagayaan reerka.

Muqdisho ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahayd mid xasiloon. Dhacdadan waxay kusoo aadeysaa maalmo kahor shirka arrimaha doorashooyinka ee ay yeelanayaan hogaamiyeyaasha Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM