Mas'uulkii labaad oo 24 saac gudahood Muqdisho lagu diley

Image

November 12, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa saaka lagu diley gudoomiye ku-xigeenkii degmada Hawl-wadaag Maxamed Yuusuf Hilaal.

Dabley hubeysan oo gaari yar watey ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaariga mas'uulka geeriyoodey xilli uu marayey isgoyska KM-4.

Rasaasta waxaa sidoo kale ku geeriyoodey askari ilaalo u ahaa iyo haweeney gaari goobta marayey la socotey sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hawl-wadaag.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo 24saac gudahood ah magaalada Muqdisho loogu geysto mas'uul ka tirsanaa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka gudoomiye ku-xigeenkii degmada Hawl-wadaag Maxamed Yuusuf Hilaal iyo taliyihii waaxda socdaalka ee garoonka Muqdisho  Maxamuud Maxamed Cadow oo isna gelinkii dambe ee shalay Muqdisho lagu diley.

Weerarada gaadmada ah ee Al-shabaab la beegsanayso mas'uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa sanadkan aad kor ugu kacay, waxaana xusid mudan in ku dhowaad 20 sarkaal oo dowladda ka tisanaa islamarkaana shan xildhibaan ku jireen qaabkan oo kale lagu diley.

Hay'adaha ammaanka oo todobaadyadii u dambeeyey wadey hawlgallo ammaanka lagu sugayo, waxay gacanta ku dhigeen in ka badan boqol qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab, hub iyo goobo la sheegay in lagu diyaarin jirey qaraxyada laguna xereyn jirey gawaarida weerarada lagu fuliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM