Mas'uuliyiin lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Talaadada maanta ka dhacay degaanka Garas-baaley ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho kaasoo lala eegtay mas'uuliyiin sarre.

Sidda ay caddeynayaan warbixinadda, saddex qof oo saarnaa baabuurka ayaa ku naf-waayey miinadda oo qaraxdey barqinimadii maanta.

Mas'uuliyiinta ku geeriyootay falkaas ayaa kala ah; Cali Maxamed Macalin, gudoomiye ku xigeenka degaanka Garas-baaley, Cabdirashiid Dubad, gudoomiyaha dhalinyaradda iyo darawalka gaariga.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyada falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay in askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku dishay weerar oo ay kula eegatay agagaarka garoonka diyaaradaha Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

"Weerarkaas dabagalka ah ayaa lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamadda Midowga Afrika," ayay ku warantay warbaahinta maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda xoogaga hubeysan. Sidoo kale, ma jiro wax kasoo baxay taliska AMISOM.

Weeraradan ayaa kusoo hagaagaya xilli ciidamadda Mareykanka ay gabi ahaanba ka hayaameen Soomaaliya una aag-basheen dalalka Jabuuti iyo Kenya halkaasoo howlgalada/duqeymaha dhanka cirka ah ay kasoo qaadi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM